
31 Luulyo 2023
Sannadkan gudihiisa waxaa qayb ka tirsan ciidanka booliska ee Somaliland lagu eedeeyey inay ku lug yeesheen tacaddiyo dhanka xuquuqul insaanka ah oo ka dhacay meelo kala duwan.
Markii uu billowday dagaalka muddada todobada bilood ah ka socda Laascaanood, ururrada xuquuqul insaanka u dooda waxay farta ku fiiqeen in ciidanka dawladdu ay ku lug leeyihiin, inkastoo ilaa hadda la ogyahay in milaterigu ay saldhig weyn (Goojacadde) ku leeyihiin deuleedka magaalada.
Waxaa kaloo soo baxay koox hubaysan oo mucaarad ku ah xukuumadda, saldhigna ka samaystay deegaanka Gacan Libaax. Dagaal xalay deegaankaas ka dhacay waxaa la soo sheegay in ciidan ka tirsan kuwa dawladda Somaliland iyo kooxda hubaysan uu halkaa ku dhex maray.
Haddaba waa kuwee ciidankaas ku lug yeeshay dagaalladaas?

Sannadkii 2012 ayaa la aasaasay RRU (unugta hawlgalka degdegga), waxayna ka mid yihiin Ciidanka Birmadka ee Booliska Somaliland oo markii hore la oran jiray SPU (Unugta ilaalada gaarka ah). Ciidanka Birmadka ee Somaliland wuxuu ka kooban yahay labadaas qaybood ee kala ah RRU iyo SPU.
SPU hawshooda ugu weyn waxay ahayd inay ilaaliyaan amniga hay’adaha iyo diplomaasiyiinta, laakiinse unugta RRU oo si wanaagsan u tababaran una qalabaysan ayaa lagu soo kordhiyey 2012.
Dhaqaalaha iyo tababarka
Dawladda Ingiriiska ayey wararku sheegayaan inay ciidankaas ka taageeri jirtay dhaqaalaha. Sidoo kale wuxuu ingiriisku ka taageeri jiray dhanka tababarka, laakinse dawladda Ingiriisku marnaba si toos ah ugama aysan hadlin taageerada ay siiso ciidanka RRU ee Somaliland.
Tababarka ciidankaas ay qabaan ayaa la mid ah kan milateriga, waxaana durba billowday cabasho in laga keeno, taaso la xiriirta in isbeddel lagu sameeyo RRU.
Mid ka mid ah dadka aadka uga hadli jiray qaabka hawlgal ee ciidankaas oo aynaan magaciisa sheegayn sababo amni dartood ayaa BBC uga warramay sababta ay u saluugsanaayeen qaabka ay ciidankaas u dhaqmaan “ciidankan waxay qabaan tababar la mid ah kan milateriga, waxaana loogu tala galay inay argagixisada la dagaallamaan, sidaa darteedna ma ahayn in shacab loo adeegsado, waayo waxay isticmaalayaan awood aad u xad dhaaf ah”.
Cabashada ka imaanaysay ciidankaas markii ay badatay ka dib ayey dawladda ingiriisku joojisay taageeradii dhaqaale iyo tababar ee ay ciidankaas siin jirtay.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa joojinta dhaqaalihii ingiriisku ku bixin jiray ciidankaas u xaqiijiyey diblomaasiyiin uu la hadlaayey 2020 “Waxaa muhiim ah in hoosta laga xariiqo in dhaqdhaqaaqyada argagixisada UK oo kaliya ay taageeraysay qaybaha la dagaallanka argagixisada ee RRU iyo SPU waxaana taageerada UK ay dhamaanaysaa 31 Maarso, waxayna arrintan sugaysaa dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub oo uu ku jiro danjiraha midowga Yurub inay galaan beddelka gargaarkii xukuumadda UK ay ku bixin jirtay unugyada la dagaallanka argagixisada ee Somaliland”.
Qaab dhismeedka

RRU iyo SPU waxaa la isku yiraahdaa Ciidanka Birmadka, waxayna hoos tagaan S/guuto Cabdi axmed Yuusuf (Tiir). General Tiir waa talihii labaad ee ciidanka Birmadka, waxaana uga horreeyey Cabdiraxmaan Maxamed Cumar.
Waxaa jira laba taliye unug oo kala hogaamiya labada unug, waxayna ciidanka Birmadka ka amar qaataan Jeneral Maxamed Aadan Saqadhi.
Shaqadadooda waxay ku kala duwan tahay; SPU waxaa lo tababaray amniga hay’adaha iyo diplomaasiyiinta, halka RRU shaqadeedu ay tahay la dagaallanka argagixisada.
RRU waxaa 2012 lagu bilaabay 50 askari, laakinse tiradoodu way sii kordheysay sida ay sheegtay xarunta xuquuqul aadanaha Somaliland, waxayna laba jibaarantay labadii sano ee ugu horreysay. Ciidanka qalabka sida ee Somaliland wuxuu sheegayaa in dumar ay xubno ka yihiin RRU.
Xaruntooda ugu weyn waa magaalada Hargaysa, waxayna si dhakhsiyo badan uga hawlgalaan dhamaanaba deegaannada Somaliland markii loo baahdo.

Cabashooyin
Xarunta xuquuqul aadanaha ee Somaliland waxay mid ka mid ah warbixinadeeda oo soo baxday dabayaaqadii 2014 ay ku eedeysay RRU “geerida laba qof ka dib markii askartu ay si aan kala sooc lahayn rasaas ugu fureen dad banaanbax dhigayey”.
RRU waxay warar ay BBC heshay sheegayaan in ay ku lug yeesheen dagaallada Laascaanood iyo Gacan libaax.
Ilo ay BBC la xiriirtay waxay u sheegeen in ciidanka RRU ee ka tirsan booliska ay “gaadiidkooda ka masaxeen calaamadda RRU, oo aan laga garan karin booliska caadiga ah”.
Xukuumadda Somaliland kama aysan hadlin ku lug lahaanshaha RRU ee tacaddiyadan, waxayna hore u beeniyeen in ciidan Somaliland hoos yimaada ay xadgudubyo sameeyeen.
ncG1vNJzZmivp6x7o67CZ5qopV%2BovK6ty6JmmqqknrCtsdJomp1pZGm4ssLYqWyo